Keyd cusub oo Shidaal ah oo la gaarsiiyay Qasa.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilaa 25,000 oo litir oo shidaal ah ayaa ka soo galay marinka Rafax ee dalka Masar, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xadka ee dalkaasi.

Gaarsiinta ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ay ka digeen in kaydka shidaalku ee Gaza uu dhammaaday.
Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibaysay shidaalka la geyn jiray Gaza, iyadoo ku doodaysa in Xamaas ay xado oo ay uga faa’iidaysato arrimo ciidan.

Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ee Qaramada Midoobay ee gargaarka u daabula Qaza shidaal lagu shubi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here