Ninkii ugu horreeyay adduunka oo il loo beeray

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaqaatiir ku nool magaalada New york ee dalka Mareykanka ayaa shegay inay markii ugu horreysay dunida oo dhan ay qaliin indhaha ah ku sameeyeen nin u dhashay dalkaas, inkastoo aan la hubin inuu araggiisa u soo laaban doono.

Aaron James, oo ka badbaaday shil koronto, ayaa maray qaliin qaatay muddo 21 saacadood. Dhaqaatiirta qaliinka ayaa ku guuleystay inay isha u beeraan ninkaas, muddo sanado ah.

“Ma oraneyno waxaan soo celineynaa aragga, balse shaki kuma jiro in wax yar un nooga harsantahay tallaabadaas”, ayuu yiri Dr Rodriguez oo la hadlay wakaaladda wararka ee ABC
Tani ayaa wadada u fureysa dad badan oo la dhibaateysan xanuun indhaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here