Mbappe Oo Looga Digay In Uu Ku Biiro Real Madrid, Sabab.

0
120

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xiddigii hore ee dalka France Samir Nasri ayaa kula taliyay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Kylian Mbappe inuusan in muddo ah ku biirin kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Wareysi uu siiyay warbaahinta, Samir Nasri ayaa ka codsaday Mbappe inuusan u dhaqaaqin Real Madrid, wuxuuna u soo jeediyay inuu sii joogo kooxda Paris.

Nasri oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Haddii Kylian Mbappe uu ka tago Paris Saint-Germain, waxa uu ka tagi doonaa meel banaan, laakiin marka la eego awooda dhaqaale ee kooxda waxa ay awoodaa in ay la soo saxiixato badalkiisa”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Laakin maanta Kylian Mbappé aad ayuu muhiim u yahay, hadii uu ahaan lahaa xulka qaranka France ama kooxda PSG, labo sano ka hor waxaan sheegay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, wali waxaan ku taaganahay fikirkeyga”.

“Hadii aan joogi lahaa booska Mbappe waxan sii joogi lahaa kooxda PSG halkii aan kaga biiri lahaa Real Madrid”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here