Shirkadda YouTube oo bil kasta $100 milyan siin doonta dadka leh muuqaalada ugu daawashada badan.

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – YouTube ayaa bilaabi doonta mashruuc ay ku bixin doonto 100 milyan oo doolar, lacagtaas waxaa heli doona dadka muuqaaladooda ay ka helaan dadka ugu badan, muuqaalada ayaana ku kooban muuqaalada gaagaaban ee loo yaqaano Shorts.

Mashruucaan ayaa bilaaban doona bilaha soo socda halkaas oo kumanaan qof ay heli doonaan lacagtaas.

Muuqaalada gaagaaban ayaa noqday kuwo aad loo daawado, waxaana YouTube ay adeegsaneysaa lacag si ay u soo jiidato hal abuurayaal badan oo leh taageero fara badan.

Shuruudda laga rabo qofka sameynayo muuqaalada gaagaaban ayaa ah in muuqaalku uu yahay mid uu isagu leeyahay, waana in uu raacaa shuruucda YouTube.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here