Arsenal Oo Laga Reebay Carabao Cup Iyo Chelsea & Liverpool Oo Durduro Ugu Soo Baxay Wareegga Siddeedda

0
95

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun badan loo xambaariyey, isla markaana laga reebay tartanka Carabao Cup iyadoo West Ham United oo ay isku magaalo yihiin ay ku karbaashtay 3-1.

Arsenal ayaa noqotay koox aan la garanayn inkasta oo ay ciyaartoydeeda muhiimka ah intooda badan ciyaarayeen, waxaanay u taag waayeen weerar daad ahaa oo kaga imanayay kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham.

Ben White ayaa iska dhaliyey gool waqti hore niyad-jabiyey Arsenal isaga oo isku qabtay kubbad koorne ahayd, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen qaybta hore, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay shan daqiiqadood ayuu Mohammed Kudus soo taabtay shabaqa Arsenal, toban daqiiqadood kaddibna Jarrod Bowen ayaa gool saddexaad raaciyey, halka waqtigii dheeraadka ahaa uu Arsenal gool aan waxba tarin u dhaliyey Martin Odegaard oo beddel kusoo galay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay ka hadhay tartanka EFL Cup ama Carabao Cup oo maraya wareegga siddeedda.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa guul cidhiidhi ah oo waqti dambe ah ka gaadhay Bournemouth oo ay kaga badisay 2-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here