Bolivia oo Xariirka Diblomaasiyadeed u Jartay Israel.

0
89

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladaha Chile iyo Colombia ayaa ku dhawaaqay in ay la baxeen danjirayaashoodii u fadhiyay Israel, tallaabadan ayayna ku macneeyeen mid ay uga falcelinayaan duullaanka ciidamada Yuhuudda ay ku leynayaan dadweynaha magaalada Gaza.

Madaxweynaha Chile Gabriel Boric ayaa sheegay in siyaasaddooda arrimaha dibadda ay u taagantahay ilaalinta xuquuqul insaanka tanina ay jawaab u tahay falal gurracan ee ka dhanka ah reer Gaza.

Mudane Boric ayaa jaaliyadda Yuhuudda ee dalkiisa ku nool ugu baaqay in ay dowladdooda cadaadis ku saaraan in ay joojiso dhiigga ay daadinayso iyo dhul-ballaarsiga sharci darrada ku qotoma.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isagana u yeeray danjirihii dalkiisa u fadhiyay Israel taas oo uu ku muujinayo sida uu uga gadoodsanyahay xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah shacabka Flastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here