Real Madrid Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Vinicius Junior

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Vinicius Junior uu saxiixay heshiis cusub oo afar sano ah, isagoo kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2027.

Xiddiga reer Brazil ayaa Los Blancos ku soo biiray isaga oo 18 jir ah kana soo dhaqaaqay kooxda Flamengo xagaagii 2018 waxana uu noqday xiddig muhiim u ah kooxda.

Lixdii xilli ciyaareed ee uu la joogay Real Madrid, Vinicius Junior waxa uu dhaliyey 63 gool, waxaana loo diwaangeliyey 67 caawin 235 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, weeraryahanka ayaa loo arkaa xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Carlo Ancelotti.

Vinicius Junior waxa uu guud ahaan kooxda reer Spain kula guuleystay sagaal koob, isagoo la qaaday laba horyaal oo La Liga ah, hal Copa del Rey, laba Spanish Super Cups, hal Champions League, laba koob oo FIFA Club World Cup ah iyo hal UEFA Super Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here