Jude Bellingham & Harry Kane: xidigaha England ma yihiin kuwa ugu fiican sanad kan kubadda cagta dunida?

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sabtidii labada ciyaar yahanba waxay dhaliyeen goolal muhim ah, wuxuna Harry Kane uu rikoor cusub u dhigay horyaalka Jarmalka ee Bundasliiga, halka Jude Bellingham uu go’aamiyay natiijada ciyaartii darbiga ahayd ee dhexmartay Bacelona iyo Real Madrid.

Ciyaar yahanka khadka dhexe ee xulka England ee labaatan jirka ah Jude Bellingham ayaa todobaad kasta gool u dhalinayay kooxdiisa Real Madrid horyaal spain ee Laliga.

Halka, kabtanka xulka England Harry Kane uu shalay dhaliyay sedexlaydiisii labaad ee horyaalka Bundasliga.

Labada ciyaar yahanba waxay hormuud u yihiin kooxaha ay u ciyaaraan sanad kan.

Ma jiraan ciyaaryahanno kale oo sida ay sanad kan ku bilowdeen labada ciyaar yahan, u dhigma?

Belleingham ayaa si wanaagsan ku bilowday afartii bilood ee uu la joogay naadiga Real Madrid.

Wuxuu dhaliyay 13 gool, isagoo caawiyay 3 kale, 13 kulan oo uu u saftay kooxda Real Madrid xili ciyaareed kan.

Shalay gool uu ka toogtay meel 30 mitir goolka u jirta ayuu ku barbareeyay kooxda Barcelona, 20 daqiiqo kaddibna waxa uu dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa gool kii Real Madrid ay afka ciidda ugu dartay kooxda ay xifaal tamaan ee Barcelona.

Harry Kane, isagu waa ciyaar yahan kii ugu horreeyay ee taariikhda horyaalka Jarmalka ka dhaliya 12 gool, sagaal kiisii ciyaarood ee ugu horreeyay.

Ciyaar tii kooxdiisa Bayern Munich ay shalay ku garaacday goolasha gaaraya sideeda gool ee Darmstadt ayuu isagu dhaliyay goolasha loo yaqaano sedexlayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here