Elon Musk oo internet-ka dayax gacmeedka ku shaqeeya ku caawinaya Qaza

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kadib markii xalay internet-ka laga jaray Qaza kana go’day gebi ahaanba caalamka intiisa kale, waxaa bilowday haashtaag ama hal kudheg #starlink la yiraah, kaas oo ay dadku uga codsanayeen milkiilaha shirkadda X oo hore loo odhan jiran Twitter isla markaana ah madaxa shirkadda internetka dayax gacmeedka ku salaysan ee Starlink; inuu usii daayo Qaza internetkaas.

Ugu dambeyntiina Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in nidaamka ku salaysan dayax-gacmeedka ee Starlink “uu taageeri doono isku xirka ururada gargaarka caalamiga ah ee Qaza.”

In si rasmi ah loo adeegsanayo nidaamkaas internet-ka weli ma cadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here