Duqa magaalada London oo ku baaqay in xabad joojin buuxda laga hir galiyo Qaza

0
61

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa noqday siyaasigii heerka ugu sareeya ee xisbiga shaqaalaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israel iyo Xamaas.

Hadalka Duqa London waxay ku dari doontaa cadaadis dheeraad ah, Sir Keir Starmer, hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha, si uu u bedelo mowqifkiisa iyada oo ay sii kordheyso kala qaybsanaanta xisbiga ee arrintan.

Sir Keir waxa uu ku baaqay “joojin bini’aadantinimo” dagaalka si loogu ogolaado gargaar dheeri ah oo Qaza la gaarsiiyo laakiin waxa uu diiday baaqyo ka soo yeedhay tobonaan xildhibaano ah oo uu isagu leeyahay oo ahaa xabbad joojin buuxda.

Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray saaka: “Kumanaan rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa horay loogu dilay Israel iyo Qaza. Iyadoo dhibaatada bini’aadantinimo ay qarka u saaran tahay inay sii xumaato, waxaan ku baaqayaa xabbad joojin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here