PSG Oo Xasuuqday Milan, Newcastle Oo Hoygeeda Lagu Garaacay.

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku tumatay AC Milan oo ay dhax jiid-jiidday Parc des Prince, waxaaay kaga takhalustay 3-0 iyadoo saddex ciyaartoy oo kala duwan ay goolasha qaybsadeen, taas oo u suurtogelisay in ay hoggaanka u qabtaan hormada F oo ay kaalinta ugu hoosaysa u dhacday AC Milan.

Kylian Mbappe ayaa aftax wanaagsan u noqday PSG oo hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 32aad ee qaybta hore, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee shabaqa taabtay kahor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, hase yeeshee Kolo Muani iyo Kang-in Lee ayaa min hal gool saxeexay qaybta labaad iyadoo Ousmane Dembele uu nasiibku diiday oo laga diiday gool uu dhaliyey, halka Mbappe uu birta garaacay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in PSG ay lix dhibcood ku hoggaaminayso Group F, waxaana kaalinta labaad ku jira Newcastle United oo garoonkeeda ay ku garaacday Borussia Dortmund oo kaga badisay 1-0, iyadoo laba jeer ay biraha garaacday Newcastle oo uu nasiibku diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here