Diyaarad siday gargaar UK ka timid oo gaartay Masar.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK James Cleverly ayaa soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jirtay Twitter in gargaarka UK ee dadka Gaza uu ka degay Masar.

“Gargaarka bini’aadantinimo waa in uu sii socdaa si uu u gaaro kuwa aadka ugu baahan,” ayuu yiri, isaga soo dhigay sawirka diyaarada oo timid.

Ra’iisal wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqay in diyaarad RAF ah ay u duuleyso Masar iyadoo wadata 21 tan oo sahay bini’aadanimo ah – taasoo qayb ka ah xirmo gargaar oo UK ah oo 30 milyan ah oo loogu talagalay Gaza.

Dalal badan ayaa gargaar u diray Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here