Harry Kane Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Halyeey Chelsea Ah Ka Dhigay Champions League.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii ​​23-aad ee Champions League fiidnimadii Salaasada isagoo barbareeyay rikoodh uu dhigay halyeyga Chelsea Frank Lampard ee tartanka.

Kabtanka England ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee Bayern Munich isagoo door muhiim ah ka ciyaaray kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Galatasaray.

Iyada oo ciyaartu tahay 1/1 isla markaas oo ay 20 daqiiqo ka dhimantahay, Jamal Musiala ayaa baas cajiib ah u dhigay Kane kaas oo gool u badalay dhaliyay kooxdiisa.

Guushaas ayaa Bayern Munich ka caawisay in ay haatanba xaqiiqsato booskeeda wareega 16-ka champions League kadib markii ay badisay 3 kulan oo xidhiidh ah.

Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 23-aad ee champions League kadib 35 kulan oo uu ciyaaray waxana uu bar-bareeyay Halyeeyga Chelsea ee Frank Lampard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here