Gargaarkii u horreeyey oo gaaray Marinka Gaza.

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa marinka Rafax ee isku xira Masar iyo Gaza Sabtida maanta ah ka gudbay kolonyadii ugu horeysay ee sidda gargaar bini’aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi.

Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku aadan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa mas’uul ka noqon doonta qaybinta gargaarka maanta soo gaaray Qasa ee soo maray marinka Rafax.

shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka gaari doona halka gargaarka bini’aadantinimo waxay u badan tahay in loo diri doono dugsiyada Qaramada Midoobay, halkaas oo kumannaan ruux ay gabaad ka dhigteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here