Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee Mareykanka oo loolan adag ugu jira guddoonka golaha wakiilada.

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u sharaxan afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, Jim Jordan, ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay inuu helo codad ku filan, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Jim Jordan oo laga soo doorto gobolka Ohio ayaa taageera weyn u ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Codayn dhacday maalinimaddii Arbacada ayuu helay 199 mudane oo ka mida 433 xildhibaan ee joogay golaha, waxaana ka soo horjeestay 22 xildhibaan oo xisbigiisa ah. Jim Jordan ayaa u baahan inuu helo 217 mudane si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Musharaxa la tartamayey ee ka sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga, Hakeem Jeffries oo laga soo doorto gobolka New York ayaa helay dhammaan codadka xisbigiisa dimoqraadiga oo ah 212 mudane.

Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaanay wax shaqo ahi ka soconin muddo laba toddobaad ah, ka dib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore ee golahaas Kevin McCarthy oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here