Xiddig U Ciyaara Man United Oo Ka Fal Celiyay Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Isaga Iyo Haaland.

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Manchester United Rasmus Hojlund ayaa hoos u dhigay isbarbardhigga weeraryahanka Manchester City Erling Haaland, wuxuuna dareensan yahay inuusan isku heer ahayn.

Hojlund ayaa xagaagan Old Trafford kaga soo biiray kooxda reer Talyaani ee Atalanta isaga oo ugu soo biiray heshiis dhan 72 milyan oo euro wuxuuna dhaliyay saddex gool siddeedii kulan ee furitaanka.

Dhanka kale, Haaland, ayaa City kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii hore, waxaana uu dhaliyay 60 gool 65 kulan oo uu ciyaaray.

Iyada oo labada xiddig isku magac dhawyihiin waxa ay keentay in la is bar-bar dhigo qaab ciyaareedkooda.

“Waxaan rajeynayaa in maalin uun aan gaari karo heerkiisa, laakiin hadda, waxaan u maleynayaa inay goor hore tahay,” Hojlund ayaa u sheegay TV2.

‘Erling xaalad kasta waa weeraryahanka ugu fiican adduunka, haddii aanu ahayn kubbada cagta adduunka ugu fiican. Runtii ma doonayo in isaga la barbar dhigo, laakiin waxaan rajaynayaa in maalin uun aan noqon karo isaga oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here