Lubnaan oo dacwad ka dhan ah israa’iil u gudbineysa Qaramada Midoobay.

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lubnaan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbinaysa cabasho rasmi ah oo ku saabsan waxa ay ku sheegtay “dilkii Israa’iil ee ula kac ahaa” ee loo gaystay weriyihii wakaaladda wararka ee Reuters, Issam Abdallah, oo isna haysta dhalashada Lubnaan.

Abdallah ayaa lagu dilay koonfurta Lubnaan kadib markii gantaalo laga soo tuuray dhanka Israel ay ku dhaceen koox saxafiyiin ah sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Abdallah waxa uu ka shaqaynayay meel ku dhow xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil, halkaas oo ay ku sii xoogeysteen iska horimaadyada u dhexeeya mintidiinta iyo milatariga Israa’iil.

Lix wariye oo kale, oo u shaqeynayay Reuters, Al Jazeera iyo AFP ayaa ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here