Maal-Qabeenka Qatar Oo Isaga Baxay Tartankii Uu Ugu jiray Iibsiga Man United.

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa lagu soo waramayaa in uu si Rasmi ah dalabkiisii ugala laabtay kooxda Man United iyada oo Maal-qabeenka reer Qatar aaminsan yahay in qiimaha ay milkiilayaasha United dalbanayaan uu yahay mid xad dhaaf ah.

Bishii November ee la soo dhaafay, Glazers waxay muujisay rabitaan ah inay galaan wadahadal ku saabsan iibka naadiga, waxaana Sheekh Jassim loo arkaa inuu yahay kan ugu cadcad ee la wareegaya bilihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, warar badan ayaa sheegaya in Sheekh Jassim uu hadda go’aansaday inuu si rasmi ah uga baxo tartanka.

Suxufiga Ben Jacobs ayaa sheegay in maal-qabeenada Qatar ay lacag dhan 5 bilyan miiska saareen si ay u iibsadaan kooxda laakiin ay dareemen in ayna milkiilayaasha kooxdu diyaar u ahayn in ay iibiyaan kooxda.

Jacobs ayaa sheegay in Sheekh Jassim uu u arko qiimaha kooxda oo loo maleynayo inay ku dhowdahay £6bn, inay tahay ‘mid aan macquul ahayn.

Arintan ayaa ka xanaajinaysa taageerayaasha kooxda Man United kuwaas oo doonayay in ay maamulka haatan iska iibiyaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here