Toni Kroos Oo Ku Wajahan Premier League, Kooxdee Ayuu Ku Biiraya.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Jarmal Toni Kroos ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo horyaalka Premier League.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Kroos waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray khadka dhexe ee kooxda Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ayaa Real Madrid markaas oo uu ugu soo biiray inta u dhexaysa 24 ilaa 30 milyan oo euro.

Tan ilaa marka waxa uu ciyaaray 420 kulan isaga oo kula guulaystay tartanka champions League 4 jeer iyo 3 La Liga.

Hadda isagoo 33 jir ah, Kroos wuxuu arkay fursadihiisa oo xaddidan sabab la xidhiidha xiddigaha da’yarka ah Federico Valverde, Jude Bellingham iyo Aurelien Tchouameni.

Iyadoo qandaraaskiisa Madrid uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, Kroos ayaa lala xiriirinayaa inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqayo Premier League.

Sida laga soo xigtay wargeyska Defensa Central, kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Manchester City ayaa bartilmaameedsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here