Canada oo lacag ugu deeqday dadka rayidka ee ku nool Qasa

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Canada ayaa sii daysay Yabooh lacageed oo gaara 10 milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka rayidka ee ku waxyeeloobay colaada ka taagan Qasa.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada Ahmed Xuseen ayaa bogiisa X oo hore u ahaan jirtay Twitter ku soo daabacay in deeqdan Canada ugu talagashay in loo adeegsado cunto, biyo, gargaar caafimaad oo degdeg ah, adeegyada ilaalinta iyo gargaarka kale ee nafaha lagu badbaadinayo.

“Hal arrin ayaan rabnaa inaan cadeyno. M jiro gargaar Canada ka imaanaya oo la siinayo Xamaas”, ayuu yiri Xuseen. “Sidoo kale waxaan ka walaacsan nahay xiisadda ka tagaan Qasa ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas taas oo waxyeelo balaaran gaarsiiyey dadka rayidka ah”

Wuxuu sheegay in mudnaanta kowaad ay siinayaan badbaadinta dadka rayidka ah,isagoo ku adkaystay baaqooda ku aadan u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here