Jamhuuriga oo Scalise u xulay Afhayeenka Aqalka Wakiillada

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee dalkan Maraykanka ayaa u doortay xildhibaan Steve Scalise inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya Afhayeenka Aqalka Wakiillada, kadib markii toddobaadkii hore xilka laga qaaday Kevin McCarthy oo hore xilkaas u soo hayey.

Xubnaha Jamhuuriga ayaa cod qarsoodi ah ku doortay xildhibaan Steve Scalise, waxaana xisbiga dhexdiisa kula tartamayey Jim Jordan oo haatan ah guddoomiyaha guddi hoosaadka Garsoorka ee Aqalka Wakiillada.

Xildhibaan Steve Scalise ayaa hortagi doona fadhiga guud ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, isaga oo xilkaas ku guulaysan doona haddii uu helo aqlabiyadda mudanayaasha golaha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa tiro aad u yar ku hoggaaminaya Aqalka Wakiillada, iyaga oo haysta 221 mudane, halka xisbiga Dimoqraadigu haysto 212 mudane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here