Xiddiga Manchester United Ah Oo Lagu Eedeeyey Hoos U Dhaca Marcus Rashford

0
102

Jowhar- (Isnaay Radio)   Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa la sheegay in uu u dhibaatoonayo hal ciyaartoy oo kooxdiisa ah darteed, isla markaana uu u lumiyey qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay, iyadoo uu ku jiro go’doon iyo abaar dhinaca goolasha ah.

Manchester United oo xilli-ciyaareedkii hore 36 gool ka hoosaysay Manchester City, sidoo kalena 30 gool ka hoosaysay Arsenal oo labaad ku dhamaysatay ayaa waxa ciyaartoygooda ugu goolahsa badan ahaa Marcus Rashford oo dhaliyey 30 gool oo dhamaan tartamada ah.

Laakiin laacibkan ayaa xilli-ciyaareedkan socda oo uu saftay 10 ciyaarood waxa uu dhaliyey hal gool oo kaliya, waxaana uu sii luminayaa qaab-ciyaareedkiisa.

Kulankii Sabtidii ee Brentford ayaa u ahayd ciyaartii saddexaad ee xidhiidh ah ee la beddelo iyadoo kooxdiisu goolal raadinaysa, waxaana jira warar la isla dhax-marayo oo sheegaya in tababare Erik ten Hag uu doonayo inuu kursiga kaydka geliyo laacibkan oo booskiisa lagu wareejin doono Alejandro Garnacho oo u muuqda in uu ka kalsooni badan yahay, sidoo kalena ka halis badan yahay marka uu garoonka soo galo.

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester, Marcus Rashford ayaa waxa xilli-ciyaareedkii hore ay si fiican isku kaashanayeen Luke Shaw oo uu ka dhexeeyo xidhiidh iyo isfaham marka ay garoonka ku jiraan, kaas oo sidoo kalena ka jabinayey difaacyahannada mararka ay xaaladdu ku adag tahay weeraryahankan.

Shaw oo dhaawac u jiifa ayaa la sheegay in maqnaanshihiisu ay qayb ka qaadanayso dhibaatada Marcus Rashford oo uu isagu sabab u yahay, waxaaa suurtogal ah in Rashford uu dib u helo qaabkiisa marka uu soo laabto Rashford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here