Barcelona Oo Isku Diyaarinaya Soo Laabashada Lionel Messi.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso soo laabashada Lionel Messi.

Inkasta oo uuna doonayn in uu tago hadana Barcelona ayaa xiddiga ku qasabtay in uu ka tago kooxda sanadkii 2021 sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo ee kooxda.

Xididga reer Argentine ayaa heshiis 2 sano ah u saxiixay PSG oo uu u dhaliyay 32 gool halka uu caawiye ka noqday 35 kale 75 kulan oo uu ciyaaray.

PSG kadib Messi ayaa haatan u ciyaara kooxda ka ciyaarta horyaalka Maraykanka ee Inter Miami oo uu ku biiray markii uu dhacay heshiiskiisii PSG.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa haatan lala xidhiidhinayaa ku laabashada kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xilli ciyaareedka America ayaa dhamaan doona wakhti dhaw waxana lala xidhiidhinayaa in uu qaab amaah ah ugu biiri kaor kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here