Tirada dhimashada ee dhulgariirka ka dhacay Afghanistaan oo sare u kacday

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir ka dhacay Afgaanistaan, halka in ka badan 9,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen maamulka Taliban ayaa sheegay Axadii, dhul gariirkii ugu xumaa muddo sanado ka oo ruxay dalkan buuraleyda ah ee u nugul dhulgariirka.

Dhul-gariirka Sabtidii ka dhacay galbeedka dalka ayaa ku dhuftay meel 35 km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Herat, wuxuuna cabbirkiisu ahaa 6.3 magnitude, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGS).

Wuxuu ka mid yahay dhul gariiradii ugu dhimashada badnaa ee sanad gudihiisa dhacay, markii dhulgariir ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 50,000 bishii February.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here