Algeria oo ka gaashaamanaysa dhilqaha kasoo yaacaya Faransiiska

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Masuuliyiinta dalka Aljeeriya ayaa adkeeyay tillaabooyinka caafimaadka ee xuduudahooda si loo xaddido faafitaanka dhiqlaha ku faafay guud ahan faransiiska.

Wasaaradda caafimaadka ee dalkan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa sheegtay in ay soo bandhigayso “la socodka caafimaadka iyo jeermiska diyaradaha, maraakiibta, iyo baabuurta ee meelaha laga soo galo dalkooda”.

Waxay ku soo beegantay iyadoo ay jirto walaac laga qabo in cayayaankan dhiigga jaqa uu soo galo Aljeeriya iyadoo ay ugu wacan tahay tirada badan ee dadka kagsoo safraya Faransiiska.

Wasaaraddu, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in aan dalka laga soo sheegin wax kutaan ah iyadoo ku baaqday in laga feejignaado.

Dalka ay dariska yihiin ee Marooko ayaa horay ugu dhawaaqay tallaabooyin lagu xadidayo halista dhiqlaha inuu ku faafo dhulkeeda.

Faafitaanka dhiqlaha ee Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska ayaa walaac sii kordhinayay, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo caafimaadka iyo badbaadada inta lagu guda jiro ciyaaraha Olombikada ee sanadka soo socda ka dhacaya dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here