Manchester United Oo Lagu Garaacay Old Trafford.

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Manchester United iyo Arsenal ayaa guul-darrooyin isku mid ah ay kasoo gaadheen kulamadoodii tartanka Champions League, waxaana dhulka dhigtay oo min saddex dhibcood ka qaatay Galatasaray iyo Lens.

Manchester United ayay murugo kale ku habsatay, waxaana 3-2 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo marti ugu ahayd Old Trafford, iyadoo uu ka aarsaday laacibkii hore ay iskaga fasaxeen ee Wilfried Zaha oo dhegaha is-qabtay markii uu shabaqooda soo taabtay.

Manchester United ayaa la hormartay gool uu qaybtii hore u dhaliyey saxeexa cusub ee Rasmus Hojlund, hase yeeshee waxa si degdeg ah uga jawaabay Zaha oo illoobay in waxa uu niyad-jabinayo ay tahay kooxdiisii hore.

Rasmus Hojlund ayaa mar kale Manchester United hoggaanka usoo celiyey daqiiqaddii 67aad oo uu gool labaad u dhaliyey, balse waxa mar kale u jawaabay Wilfried Zaha oo natiijada ka dhigay 2-2 ka hor intii aanu xiddiga reer Argentina Mauro Icardi goolka guusha u dhalin Galatasaray dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

United ayay laba nasiib-darro ku dhaceen intii ay socotay ciyaartu, waxaana gool uu saddexlay ku xaqiijisan lahaa laga diiday Rasmus Hojlund oo ay VAR meesha ka saartay markii uu dabbaal-degay, halka dhacdada kalena ahayd in uu kaadh casaan ah ka qaatay Casemiro oo laba kaadh oo digniin ah la siiyey, sidaasna ganaax hal kulan ah ku mutaysanaya.

Galatasaray ayaa iska khasaarisay rikoodhe loo dhigay oo uu ka lumiyay Icardi oo isku saxay goolka uu waqti dambe dhaliyey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Galatasaray.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa guul-darro 2-1 ah kala soo kulantay kooxda reer France ee Lens oo guusheedu soo laabasho ahayd, iyadoo ay meesha ka saareen gool uu waqti hore Arsenal u dhaliyey Gabriel Jesus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here