Pakistaan oo tilaabo adag ka qaadaysa muhaajiriinta dalkeeda ku sugan

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Pakistan ayaa ugu baaqay dhammaan soo galootiga sharci darrada ah in ay dalka ka baxaan ugu dambayn kowda bisha November.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa saxaafadda u sheegay in dadka tahriibayaasha ah la aqoonsan doono, isla markaana si qasab ah loo tarxiili doono wixii ka dambeeya taariikhdaasi.

Sarfraz Bugti ayaa sidoo kale sheegay in hantida iyo meheradaha ay leeyihiin muhaajiriinta sharci darrada ah, ama ay Pakistaaniyiintu u maamulaan la qabsan doono, lana ciqaabi doona Pakistaniyiintana ku lug leh.

Wuxuu sheegay in baaritaanka hiddesidaha loo adeegsan doono si loo ogaado dadka sita aqoonsiga Pakistan ee been abuurka ah.

Isagoo su’aal weriye ka jawaabaya, ayuu Sarfraz sheegay in 24 weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen Pakistan tan iyo bishii Jannaayo, dhamaantoodna ay fuliyeen muwaadiniin Afgaanistaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here