Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Fulham Caawa Laciyaari doonto Oo La Shaaciyey.

0
119

Jowhar- (Isnaay Radio) Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu caawa kala hortegi doono naadiga ay deriska yihiin ee Fulham oo ay ku booqanayaan Craven Cottage, halkaas oo ay u baahan yihiin in ay guul kala soo laabtaan, si ay usoo afjaraan murugada ku habsatay xilli-ciyaareedkan.

Chelsea ayaa shan dhibcood oo kaliya ka haysata lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, taas oo ka dhigan in ay 13 dhibcood lumiyeen iyadoo xilli-ciyaareedkuba bilow yahay, waxaanay taasi keentay in ay kaalinta 15aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta.

Armando Broja ayaa rajaynaya in uu kusoo bilowdo oo uu buuxiyo booska uu ganaaxa kaga maqan yahay Nicolas Jackson, halka difaacana oo uu ka dhaawacan yahay Ben Chilwell, sidoo kalena Malo Gusto uu qaatay casaan kulankii hore, uu Pochettino dib ugu yeedhan doono Marc Cucurella oo uu saluugsanaa oo Axel Disasi, Levi Colwill iyo Thiago Silva ay is kaashan doonaan.

Warka kaliya ee wanaagsan ee ay Chelsea haysato ayaa ah in Broja uu yahay taam, hase yeeshee waxa kooxda dib loogu soo celiyey Noni Madueke oo usbuucii hore looga saaray anshax xumo uu sameeyey.

Xiddigaha Chelsea ee kulanka Fulam ee caawa

Goolhayeyaal: Rob Sanchez, Djorde Petrovic

Difaacyahanno: Axel Disasi, Thiago Silva, Levi Colwill, Marc Cucurella, Ian Maatsen, Alfie Gilchrist, Josh Brooking

Khadka Dhexe: Enzo Fernandez, Moises Caicedo, Conor Gallagher, Lesley Ugochukwu, Carney Chukwuemeka

Weerarka: Raheem Sterling, Mykhailo Mudryk, Deivid Washington, Armando Broja, Cole Palmer, Noni Madueke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here