Dad ku dhintay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal dalka Spain

0
115

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Murcia ee koonfurta bari ee dalka Spain, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dabka ayaa ka kacay goobta caanka ah ee lagu caweeyo ee Teatre, oo ku taal agagaarka Atalayas, abaare 06:00 xiliga maxaliga ah.

Maamulka ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto.

Gurmadka deg degga ah ayaa raadinaya dad la la’yahay oo xilligaas ku sugnaa goobta.

Afar ayaa lagu daweynayaa cusbitaalka ka dib markii ay ku cabudheen.

Ma cadda waxa sababay dabkan oo ka kacay baarka oo ah mid mashquul badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here