Iiraan oo hawada u dirtay dayax-gacmeedkii saddexaad

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Ilaalada Kacaanka Iran ay ku guuleysteen inay dayax-gacmeedkii saddexaad ee militariga ay hawada u diraan

Dayax-gacmeedka oo ah nooca sawirka qaada oo loyaqaan Noor 3 wuxuu ku wareegayaa qiyaastii afar boqol iyo konton kiiloomitir oo ka sarreeya oogada dhulka.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in isla tignoolajiyada ballistic-ga riddada dheer ay u suurtagelin karto Tehran in ay riddo hubka riddada dheer – oo ay ku jiraan madaxyada nukliyeerka.

Iran, oo leh mid ka mid ah barnaamijyada gantaallada ugu weyn ee Bariga Dhexe, ayaa ku adkeysaneysa inaysan wadin horumarinta hubka nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here