Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay la ciyaaray

0
104

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa si Rasmi ah u bilowday tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub iyada oo kooxo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn gaadhay halka ay Man City guul ku bilaabatay difaacatay tartanka champions League.

Hadaba halkan kaga bogo Xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulamadii la ciyaaray xalay.

Kahor Xalay Ivan Provedel, goolhayihii ugu dambeeyay ee gool ka dhaliya Champions League waxa uu ahaa Vincent Enyeama 29kii Sebtember 2010 marka laga reebo rikoodhayaal Sinan Bolt 9 December 2009.

Celtic ayaa muddo shan daqiiqo gudahood ah looga saaray labo ciyaaryahan kulankii Feyenoord – kaliya labo kaar oo casaan ah ayay qaateen 72-kii kulan ee ugu dambeeyay ee UEFA Champions League marka la isku daro.

Tan iyo 2003-04 Man City 22 darbo oo ay ku tuurtay Red Star ayaa ah tii ugu badneyd ee koox ay sameyso qeybta hore ee ciyaarta champions League.

25-ka shuud ee Milan ayaa ahaa koodii ugu badnaa ee ciyaarta champions League laakiin aan wax gool ah dhalin tan iyo markii ay 27 darbo ka tuureen PSV bishii October 2005.

20-kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, Milan waxay sameysay lix darbo oo goolka ah; Rossoneri ayaan waligeed wax badan sameynin qeybta hore ee Champions League tan iyo 2003/04.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here