Talyaaniga oo Ka Cabanaya Muhaajiriinta Dalkiisa Ku Qulqulaya

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula Von Der Leyen ayaa booqatay xarunta lagu qaabilo muhaajiriinta oo ku taalla jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Booqashada madaxda ka socota Midowga Yurub ee xaruntaasi ayaa timi kaddib markii saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ay jasiiraddaasi gaareen in ka badan siddeed kun oo muhaajiriin magangelyo doon ah.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga marwo Giorgia Meloni ayaa Midowga Yurub ka codsatay in ay ka taageeraan sidii loola macaamili lahaa doomaha yaryar ee sida dadka muhaajiriinta ah.

Meloni ayaa sheegtay in dalkeedu haatan wajahayo culeys lixaad leh oo aad uga tan badan kaa oo uga imanaya qulqulka xad dhaafka ah ee muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here