Maxaabiis ay isdhaafsadeen Iiran iyo Mareykanka oo Qatar ka soo dagay

0
74

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Shan qof oo uu dhasahy dalka Mareykanka oo sannado ku xirnaa dalka Iran ayaa la filayaa in maanta la sii daayo, iyadoo maxaabiis la isku weydaarsanayo.

Shan qof oo Iiraaniyiin ah oo ku jira xabsiyada Mareykanka ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa, heshiiskaas oo Qatar dhexdhexaadineyso ayaa ah mid adag oo muran badan dhaliyay. dadka la sii daayay ayaa hadda ka soo dagay Doha.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in 30 qof Mareykan ah oo si xaq darro ah loogu xiray adduunka oo dhan lagu soo celiyay guryahooda inta uu maamulka hadda jira.

Wuxuu sheegay in Biden uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu qaato go’aamo adag si dadka Amerikaanka ah ee ku xiran dibada loo soo fasaxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here