Xulka Ingariiska Oo Halis Gelinaya Ka Qeybgalkooda Euro 2028 Inkastoo Ay Martigelinayaan

0
77

Jowhar – ( Radio isnaay ) – England waxaa laga yaabaa in aysan awoodin inay ciyaaraan Euro 2028 xitaa haddii ay martigeliyaan tartanka.

Tartankan oo ay ka qayb galayaan 24 xul sanadka 2028-ka ayaa la filayaa in ay si wada jir ah u qabtaan England, Scotland, Wales, Ireland iyo Northern Ireland.

Caadiyan, tartanadii hore, wadamada martigelinaya ayaa si toos ah ugu soo baxayay ka qeybgalka tartanka oo laga rabin inay isreebreeb soo galaan.

Si kastaba ha ahaatee, England ayaa laga yaabaa inay ciyaari weyso tartanka Euro 2028 ka dib markii UEFA ay isbedel ku sameysay sharcigeeda.

Sida laga soo xigtay The Times, UEFA ayaa kaliya ogolaan doonta ugu badnaan laba boos oo toos ugu soo baxaya Euro 2028 ee martigaliyayaasha tartanka.

Madaama ay shan waddan martigelinayaan tartanka, waxay ka qeyb galayaan isreebreebka iyadoo labada boos ee si tooska ah loogu soo baxayo la siinayo xulalka ku soo hara isreebreebka.

Haddii seddex ama afar wadan oo martigelinaya Euro 2028 ay isreebreebka ku haraan kaliya labo ka mid ah ayaa loo ogolaan doonaa inay ku soo baxaan booska tooska ah ee martigeliyayaasha.

Ilaa hadda ma cadda sida ay UEFA u go’aamin doonto labada xul ee booska soo bixitaanka qaadanaya haddii xulalka martigelinaya ay intooda badan ku haraan isreebreebka Euro 2028.

Sidaasi darteed inkastoo England ay martigeliyayaasha ka mid tahay hadana hubanti uma heysato inay ciyaarto Euro 2028 madaama ay qasab tahay inay isreebreebka ku soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here