Qaar kamida muwaadiniinta Talyaaniga oo dalbanaya in wax laga qabto tahriibayaasha xad dhaafka ah

0
95

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Dadka ku nool Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa dhigay dibad bax ay kaga soo horjeedaan kumannaan muhaajiriin ah oo doonyo ka soo raacay Waqooyiga Afrika.

Waxay dalbanayaan in dawladda Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay qaadaan tillaabo ay kaga yareeyaan cadaadiska jasiiradda.

Waxaa sidoo kale jiray mudaaharaadyo ka yimid qaar ka mid ah muhaajiriinta sugaya in laga soo wareejiyo Lampedusa.

Ra’iisul wasaaraha garabka midig ee Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa ballan qaaday in golaheeda wasiirrada ay qaadi doonaan waxa ay ugu yeertay tallaabooyin aan caadi ahayn si ay isugu dayaan inay wax ka qabtaan xaaladda Isniinta.

Waxaa la filayaa inay jasiiradda booqato iyada oo ay weheliso madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen, Axadda.

Meydka ilmo yar oo dhawaan dhashay ayaa laga soo saaray dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah, xilli uu socday howlgal samatabixin ah oo ka dhacay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here