Man United Oo Ku Dhawaaqday 25ka Xiddig Ee Ku Matalaya Premier League

0
49

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa ku dhawaaqday 25-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb galaya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Tabbaare Erik ten Hag ayaa liiska ciyaartoydiisa ku soo daray Jadon Sancho iyo Antony.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo garabkii hore ee Borussia Dortmund uu warbaahinta ka weeraray tababaraha reer Holland.

Sancho ayaa ku eedeeyay tababare Erik ten Hag inuu ka been sheegay ka dib markii tababaraha reer Holland uu sharaxaad ku bixiyay in sababtii uu ciyaaryahanka uga saaray kooxdii la ciyaartay Arsenal inay aheyd bandhigiisii tababarka oo liita.

Dhanka Antony, kuma soo laaban doono naadiga “ilaa amar dambe” iyada oo ay jirto eedeymo xad-gudub ah oo uga yimid saddex haween ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Weeraryahanka cusub ee 72da milyan ginni ku fadhiya Rasmus Hojlund ayaan kasoo muuqan 25-ka ciyaaryahan ee kooxda Man Utd maadaama aysan qasab aheyn in lagu daro liiska maadaama ay da’diisu ka yar tahay 21 sano jir.

Waxaa isna la mid ah Alejandro Garnacho oo aan u baahneyn inuu liiska rasmiga ah ku soo baxo madaama ay da’diisa ka yar tahay 21 sanno jir.

Hannibal Mejbri, Amad Diallo iyo Kobbie Mainoo dhamaantood waxay u tartamayaan inay boos ka helaan shaxda kooxda, waxayna ku jiraan ciyaartoyda aan xadiga laheyn ee kooxda loo ogol yahay madaama ay da’dooda ka yar tahay 21 sanno.

Saxiixyada kale ee Mason Mount, Andre Onana, Altay Bayindir iyo Jonny Evans, Sofyan Amrabat iyo Sergio Reguilon ayaa liiskaan ku jira.

Taageerayaasha ayaa dhamaantood ku baaqayay in Facundo Pellistri fursad la siiyo, wuxuuna ku jiraa liiska.

Waxa si lama filaan ah loogu soo daray Donny van de Beek ka dib markii uu ku guuldareystay inuu kooxda ka tago xagaagii.

Liiska ciyaartoyda Premier League lama bedeli kara ilaa iyo dhamaadka suuqa kala iibsiga Janaayo.

LIISKA XIDDIGAHA MAN UNITED EE PREMIER LEAGUE

* waa xiddigaha loo arko inay u dhasheen England ama ku koreen.

Kaliya 17 xiddig oo ajnabi ah ayaa loo ogol yahay koox walba horyaalka Premier League.

Goolhaye

Altay Bayindir
Tom Heaton
Andre Onana

Daafac

Diogo Dalot
Jonny Evans*
Victor Lindelof
Harry Maguire*
Tyrell Malacia
Lisandro Martinez
Sergio Reguilon
Luke Shaw*
Raphael Varane
Aaron Wan-Bissaka*

Khad Dhexe

Sofyan Amrabat
Casemiro
Christian Eriksen
Bruno Fernandes
Scott McTominay*
Mason Mount*
Facundo Pellistri
Donny van de Beek

Weerar

Antony
Anthony Martial
Marcus Rashford*
Jadon Sancho*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here