Erdoğan oo la kulmay Abdel Fattah el-Sisi iyo Maxamed Bin Salmaan

0
51

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan fool-ka-fool ah la qaatay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah es-Sisi, kulankaas oo qeyb ka ahaa shir madaxeedka madaxda G20 ee ka dhacay dalka Hindiya.

Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay yeeshaan labada hoggaamiye tan iyo markii ay is gacan qaadeen markii uu furmay koobka adduunka Qatar bishii November 2022.

Labada dal ayaa in muddo ah qaadayay tallaabooyin diblumaasiyadeed si ay caadi uga dhigaan xiriirkii xumaaday sanadkii 2013-kii.

Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday in intii uu socday kulanka looga hadlay xiriirka labada dal, kordhinta baaxadda ganacsiga, iskaashiga cusub ee dhanka tamarta, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here