Real Madrid Oo Ku Dagaallamaya Saxeexa Bruno Gumaraes

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa walaacsan, waxaanay qaadaysaa tallaabo degdeg ah oo ay ku doonayso inay hubanti la’aanta kaga saarto mustaqbalka laf-dhabarteeda khadka dhexe ee Bruno Guimaraes oo ay usoo xidh-xidheen laba kooxood oo Premier League ah iyo naadiyo kale oo waaweyn oo reer Yurub ah.

Bruno Guimaraes oo ka mid noqday xiddigaha ugu wanaagsan khadka dhexe ee horyaalka Premier League tan iyo markii ay Newcastle kasoo iibsatay Lyon sannadkii 2022, ayaa waxa la sheegay in xagaaga dambe ay kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.

25 jirka ayaa sumcaddiisu ay kusii dhismi doontaa tartanka Champions League ee ay kooxdiisu usoo gudubtay, waxaana naadiyada indhaha ku haya ee horeba loo sheegay inay doonayaan hormood u ah Real Madrid.

Maalintii ugu dambaysay suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii hadda tegay, Liverpool ayaa la sheegay inay isku dayday inay la saxeexato Bruno Guimaraes oo ay Newcastle United uga dhaaratay, hase yeeshee labada kooxood ee Manchester City iyo Chelsea.

Newcastle United ayaa la sheegay in ay la socoto qorshaha Chelsea iyo Manchester City, sidaas daraadeedna ay laacibkan la bilowday wada-hadal ay kusii kordhin doonto qandaraaskiisa hadda oo soconaya illaa sannadka 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here