Kenya oo qorsheynaysa in fiisa la’aan dalkeeda lagusoo galo

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya William Kipchirchir Samoei arap Ruto ayaa sheegay in waddankiisu uu “si dhab ah uga fikirayo in gebi ahaanba meesha laga saaro dal ku galka” looga baahan yahay ajaaniibta muddo dhowr bilood gudahood ah.

William Ruto waxa uu sheegay in Kenya ay tahay asalka bini’aadamka, sidaa darteedna aysan cadaalad ahayn in dadka soo booqda la weydiiyo dal ku gal maadaama ay gurigoodii imanayaan.

“Meelo dhowr kiilo mitir uun u jirta halka aad fadhidaan ahdda, ayey saynisyahannadu ogaadeen oo ka heleen hadhaagii ugu horreeyay ee bini’aadamka ee dhulka. Si kale haddii loo dhigo, waa halka ay bani-aadminimadu ka bilowdeen. Sidaa darteed, ii oggolaada inaan guriga idinku soo dhaweeyo. Dhowr bilood gudahood, waxaan si dhab ah uga baaraan degeynaa inaan baabi’inno shuruud kasta oo fiisa ah, sababtoo ah waa cadaalad darro in qof kasta oo gurigiisa imaanaya la weydiiyo fiisaha,” ayuu yiri madaxweyne William Ruto Isniintii, isagoo ka furayay magaalada Nairobi shir madaxeedka cimilada Afrika oo ay kasoo qayb galeen madax Afrikaan ah iyo wufuud caalami ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here