Al Ittihad Oo Dalab Aan La Diidi Karin Ka Gudbineysa Mar Kale Mohamed Salah

0
67

Jowhar – ( Radio isnaay )  -Al Ittihad ayaa dooneysa inay dalab kale ka gudbiso Mohamed Salah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Sacuudiga maalinta Khamiista.

Madaxda ugu sareysa ee kooxda Sacuudiga ayaa aaminsan inay u qalanto in mar kale ay isku dayaan inay la saxiixdaan Salah laakiin qaar kale ayaa ku taliyay inay ka quusataan saxiixiisa haatan oo ay sugaan xagaaga danbe.

Dalabka cusub waa inay marka hore soo ansixiyaan xiriirka kubada cagta Sacuudiga gaar ahaan madaxa guud Saad Al Lazeez iyo agaasimaha kubada cagta horyaalka Michael Emenalo.

Liverpool ayaa diday dalab ay Al Ettihad ka soo gudbisay Salah maalintii Khamiista oo gaarayay 150 milyan ginni.

Go’aanka Liverpool isma bedelin, waxayna ku adkeysanayaan in Salah uusan iib aheyn.

Ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Aston Villa Axadii, tababare Jurgen Klopp ayaa yiri: “Shaki kama qabo u heelanaantiisa kooxdaan. Sida ay dunida wax weyn uga dhigeyso arintaan iyo sida aanan walwal uga qabin waad arki kartaa. Waa ciyaaryahankeena, wuxuuna doonayaa inuu halkaan ka ciyaaro.”

Dalabka cusub ee Al Ittihad ayaa la filayaa inuu noqdo mid kor u dhaafaya 200 milyan ginni taasoo sababi karta inuu isbedelo go’aanka Liverpool madaama lacagtaas ay tahay mid aan la diidi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here