DEG-DEG: Difaac Arsenal Kaga Tegay Qiime Aad U Hooseeya

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa macasalaamaysay difaac muddo siddeed sannadood ah joogay Emirates Stadium oo ugu dambayntii ka degay koox kale oo horyaalka Premier League ah oo uu si rasmi ah ugu wareegay

Arsenal ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in difaaceeda dhexe ee Rob Holding uu £2 milyan oo Gini ugu wareegay Crystal Palace, sidaasna uu kusoo afjarmay muddo siddeed sannadood ahayd oo uu liiska ciyaartoydeeda ku jiray.

27 jirkan ayaa ogolaaday inuu si rasmi ah ku tago Selhurst Park, inkasta oo miiskiisa uu saarnaa dalab amaah ah oo uga yimid kooxda horyaalka LaLiga ee Sevilla.

Rob Holding oo ka mid ah ciyaartoyda waqtigan hadda ee waqtiga ugu dheer ku sugnaa Emirates Stadium, ayaa waxa sannadkii 2016 uu uga soo wareegay Bolton oo ay kaga soo iibsadeen £2 milyan oo Gini, waxaana uu waqtigiisii ugu fiicnaa ku qaatay Emirates Stadium xilli-ciyaareedkii hore oo uu buuxiyey booskii uu ka dhaawacmay William Saliba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here