Shirkadda Burger oo wajaheysa dacwad ku aaddan Cunnada ay sameyso.

0
61

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Shirkadda Burger King ayaa wajaheysa dacwad ku aaddan in mid ka mid ah noocyada burger-ka ay sameyso uu weyn yahay marka laga eego menu-ga, balse xaqiiq ahaan aysan saas ahayn marka la arko.

Dacwaddan ayaa shirkaddan cunnooyinka fudud sameysa waxaa lagu eedeynayaa inay marin-habaabisay macaamiisha.

“Sheegashooyinka qofka dacwadda soo gudbiyay waa been,” ayay Burger King u sheegtay BBC.

Shirkadaha Rivals McDonald’s iyo Wendy’s ayaa Mareykanka ku wajahaya dacwado tan la mid ah.

Waxaa lagu eedeynayaa Burger King in burger-ka ku sawiran menu-ga uu 35% ka weyn yahay kan dhabta ah, hilibka ku jirana uu labalaab ka weyn yahay kan dhabta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here