In ka badan 35,000 oo qof oo laga daad gureeyay gobol ku yaala Kanada.

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dabka ka kacay keymaha gobolka galbeedka Kanada ku yaala ee British Columbia ayaa sii xoogeystay Sabtidii, iyadoo tirada dadka la amarray in la daad gureeyo ay laba jibaarrantay maalintii Sabtidii, waxayna mas’uuliyiintu ka digayaan in maalmo adag ay soo fool leeyihiin.

Gobolka ayaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah Jimcihii si loo helo awooddaha ku meel gaarka ah ee wax looga qaban karo khatarraha la xiriirra dabka,waxana dabka oo la awoodi waayay in la xakameeyo uu ka kacay gudaha gobolka British Columbia,iyadoo qayb ahaan ay xirmeen waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xeebta baasifiga iyo galbeedka Kanada, waxana burburtay hanti faro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here