Talibaan oo u dabaal degeysa sanadguuradii 2-aad ee markii ay talada Aafghaanistaan la wareegeen

0
60

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Iyadoo sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan ​​ayaa dowladda Talibanka waxa ay sheegtay in qabsashadii magaalada Kabul ay u gogol xaareysay hirgelinta nidaamka islaamiga ah ee dalkaasi.

Waxay sheegeen in Afgaanistaan ​​ay tahay meel ka nabdoon hadda oo ay meesha ka baxeen ciidamada shisheeye. Afhayeenka Taliban, Zabiullah Mujahid, ayaa sheegay in beesha caalamka ay xuquuqda haweenka marmarsiyo ka dhiganayaan si ay cadaadis u saaraan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay horaantii salaasadii xayiraadaha ay Taliban kusoo rogeen haweenka inay helaan waxbarashada iyo shaqada ay wali caqabado ku yihiin inay helaan aqoonsiga caalamiga ah iyo in loo ansixiyo gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here