Man United Oo Guul Ay Ku Rafaaday Ka Gaartay Wolves.

0
43

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Manchester United ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda xujada noqotay ee Wolves iyagoo 1-0 ku garaacay ciyaar ay kooxda martida aheyd koontaroolka u heysay oo ka dhacday Old Trafford.

Gool uu dhaliyay Raphael Varane qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Man United guusha ku xaqiijisatay halka goolhaye Andre Onana uu wacdarro dhigay isagoo fursado badan ka badbaadiyay Wolves oo weerar joogta ah heysay. Halka VAR ay waqtigii dhimashada rigoore ka diiday kooxda Wolves.

Qeybtii hore ee ciyaarta United wax fursad la sheegi karo ma aysan abuurin halka Wolves ay labo fursadood u heleen Cunha iyo Sarabia kuwaasoo ku guuldareystay inay gool u sarifaan kooxda martida aheyd ayaana u muuqatay mid isku agaasiman marka loo eego kooxda tababare Erik ten Hag.

Bilowgii qeybta labaad Cunha ayaa fursad gool loo fishay uu ka shaqeeyay Nunes qasaariyay halka Dawson uu kubad uu fursad ku helay xiddiga Man United ka soo bixiyay xariiqda goosha.

Daqiiqadii 56aad Onana ayaa badbaadintiisa bilaabay isagoo kubad ka soo baxday Cunha badbaadiyay, daqiiqadii 72aad fursad kale uu Cunha abuuray ayaa waxaa Neto ka badbaadiyay goolhaye Onana.

Daqiiqadii 76aad ayay Man United cadaadiskii saarnaa iska dejisay markii ay hogaanka u qabteen ciyaarta. Wan Bissaka ayaa kubada uu dhigay waxaa madax ku dhaliyay Raphael Varane, goolka ayaa ahaa mid ku yimid si ka duwan sida ay ciyaarta ku socotay.

Onana ayaa mar kale fursad dahabi aheyd ka bixiyay Silva ka dib kubad uu u soo dhigay Nunes oo caawa meel walba taagnaa.

Daqiiqadii 85aad mar kale Onana wuxuu fursad kale ka beeniyay Silva iyadoo Wolves ay albaabka u garaceysay daqiiqad walba kooxda martida loo ahaa.

Daqiiqadii 90aad darbo kale oo ka timid Silva oo halis aheyd waxaa isku dhigay Luke Shaw oo bixiyay.  Daqiiqadii 95aad Wolves aya aku dacwootay rigoore markii Onana uu u muuqday mid qalad ku galay Kalajdzic, laakiin Var ayaa diiday rigoorada.

Ciyaarta ayaana kub soo dhamaatay 1-0 iyadoo United ay si dirqi ah u shaqeysatay seddexda dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here