Chelsea Oo Heshay Bedelka Goolhaye Kepa Oo Ku Sii Socda Real Madrid

0
49

Jowhar – ( radio isnaay ) – Chelsea ayaa lagu waramayaa inay u dhaqaaqeyso goolhayihii hore ee Leicester City Kasper Schmeichel si uu u bedelo Kepa Arrizabalaga.

Blues ayaa goolhaye u baahan ka dib markii ay ogolaadeen in Real Madrid ay amaah hal xilli ciyaareed ah ku qaadato Kepa si uu u bedelo Thibaut Courtois oo dhaawacmay.

Courtois ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedkan oo dhan garoomada ka maqnaado.

Haatan, sida ay sheegtay The Guardian, Schmeichel ayaa ah magac ay ka fiirsanayeos Chelsea si uu u bedelo Kepa.

Blues ayaa Edouard Mendy ka iibisay horyaalka Sacuudiga laakiin waxay 25 milyan ginni ku iibsadeen goolhayihii Brighton Robert Sanchez si uu u noqdo goolhayaha labaad.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in kooxo kale oo Premier League ah ay xiiseynayaan goolhayaha reer Denmar Schmeichel.

Waxaa la sheegay horaantii sannadkan in Schmeichel oo 36 sanno jir ah in loo ogolaan doono inuu ka tago kooxda Nice.

Waxa uu ku biiray kooxda Faransiiska dhamaadka xilli ciyaareedkii 2021/22 ka dib 11 sannadood uu la joogay Leicester City.

Sida ay sheegtay jariirada L’Equipe, Nice kama horjoogsan doonto goolhayaha inuu baxo xagaagan.

Dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda Nice ayaa ka careysan qaabka uu tababarka u sameeyo Schmeichel, waxayna doonayaan in kooxda laga diro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here