Man United Oo Si Rasmi Ah U Iibisay Fred.

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa goor dhow si rasmi ah u xaqiijisay inay hishiis kala gaareen kooxda Fenerbhace iibinta xiddigooda khadka dhexe Fred kaasoo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Turkiga.

Man United ayaa xiddiga reer Brazil ku iibisay lacag gaareysa 15 milyan euro, iyagoo haatan xaqiijiyay inay si rasmi ah hishiis u la gaareen kooxda Turkiga.

Kooxda Ingariiska ayaa iska direysa xiddigaha ay u arkaan inuu ka maarmay tababare Erik ten Hag, waxaana iibka Fred uu qeyb ka yahay qorshaha ay Man United ku dooneyso inay ku soo xerogeliso xiddigo cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Tababare Erik ten Hag ayaa doonaya inuu dib ugu maalgeliyo kooxda lacag kasta uu ka helo iska iibinta ciyaartoyda uusan u baahneyn.

Iibka Fred iyo bixitaanka la filayo xiddiga kale ee khadka dhexe ee Scott McTominay ayaa wadada u xaareysa soo xerogelinta xiddiga reer Morocco ee kooxda Fiorentina Sofyan Amrabat.

Manchester United ayaa weli ka shaqeyneysa dhameystirka saxiixa xiddiga reer Morocco laakiin waxay marka hore u baahan yihiin inay xiddigaha qaar iska iibiyaan si ay u dhameystiraan saxiixiisa.

Man United waxay durbaba la soo wareegtay seddex xiddig xagaagan, iyagoo soo iibsaday goolhaye Andre Onana, xiddiga khadka dhexe Mason Mount iyo weeraryahan Rasmus Hojlund.

Waxay sidoo kale doonayaan inay soo iibsadaan daafac dhexe oo cusub marka Harry Maguire uu baxo iyo sidoo kale xiddig khadka dhexe ah iyagoo daneynaya Sofyan Amrabat.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here