Danjirihii Uganda u joogay dalka Iran oo geeriyooday

0
71

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda, Okello Oryem ayaa shaaciyey inuu Ambassador Maxamed Tezikuba Kisambira ku geeriyooday Khamiistii la soo dhaafay Isbitaalka Tehran Hospital.

Lama sheegin waxa sababay geeridiisa, inkastoo uu in muddo ah yara xanuunsanaa.

Maydka Danjiraha ayaa la filayaa in dib loogu soo celiyo dalkiisa Hooyo, si Aas Qaran loogu sameeyo.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa Danjiraha geeriyooday u magacaabay Xilka Danjiraha Uganda u jooga dalka Iran sanadkii 2020-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here