Arsenal Vs Man City:

0
122

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kulan xiiso leh ayaa maanta dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Man City kana mid ah Community Shield-ka kaas oo ka dhici doona Wembley.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya sidii ay ugu guulaysan lahaayeen koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo haysta awoodooda ugu badan marka laga reebo xiddigo dhaawac uga maqan.

Arteta ayaa doonaya in uu ka badiyo macalinkiisii hore isla markaas Arsenal ku hogaamiyo koobka.

Dhinaca kale Guardiola ayaa doonaya in uu sii wado awood sheegashada uu ku wado kooxda Arsenal.

Ka hor kulanka waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la eegayo xiddigaha ugu fiican.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh 7 xiddig halka ay kooxda Arsenal ku leedahay shaxda 4 xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here