Kolo Muani Oo Go’aansaday Mustaqbalkiisa Xilli Uu Adkaanayo Tartanka Loogu Jiro Saxiixiisa

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Xiddiga diirada saaran Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich Randal Kolo Muani ayaa ku wargeliyay maamulka kooxdiisa Eintracht Frankfurt inuu jeclaan lahaa inuu ka tago kooxda Bundesliga xagaagan sida ay goor dhoweyd shaacisay warbaahinta Faransiiska ee RMC Sport.

Xiddiga Faransiiska ayaa wacdarro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Jarmalka ka dib markii uu uga soo biiray kooxda Nantes, waxayna taasi keentay inuu soo jiito kooxaha ugu waa weyn kubada cagta Yurub.

PSG iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha haatan ku tartamaya saxiixa Kolo Muani iyadoo Manchester United ay ka qabowday xiisahiisa madaama ay la soo wareegayaan Hojlund.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa sidoo kale diyaar u ah inay iska iibiso xiddiga Faransiiska.

PSG ayaa si weyn u dooneysa inay Kolo Muani geyso caasimada Faransiiska ka dib marka ay dhameystiraan saxiixyada weeraryahanka Benfica Goncalo Ramos iyo iyo xiddiga Barcelona Ousamane Dembele.

Wuxuu qeyb ka noqon doonaa weerarka seddex afleyda ah iyadoo Kylian Mbappe uu kooxda ka tagayo xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here